Murashax Farxaan Muuse Iimaan oo Xadhigga ka jaray Xafiiska Ololaha ee Degmada Ballicabane

Hargeysa (SM)- Murashaxa Golaha Wakiillada Gobolka Maroodijeex Farxaan Muuse Iiman oo uu weheliyo murashaxa Golaha Deegaanka Degmada Balicabane Ibraahim Cabdilaahi Aw-Khaliif, ayaa maanta xafiis ka furtay magaalada Ballicabane ee gobolka Hawd.

Munaasibad loo qabtay xadhig-ka-jarista xafiiska labada murashax waxa ka qayb-galay wax-garadka, dhalinyarada, Aqoonyahanka iyo Haweenka Degmada Ballicabane, waxaana hadallo ka jeediyey labada murashax ee u tartamaya Golaha Wakiillada ee gobolka Maroodijeex iyo Golaha deegaanka ee degmada Balligubale ee gobolka Hawd.

Murashax Farxaan Muuse Iimaan oo ka hadlay munaasibadda, ayaa bulshada degmada uga mahad-celiyey soo-dhaweyn ay ku qaabileen weftigiisa isla markaana ku ammaanay isku-duubni iyo Is-abaabul xooggan oo bulshada degmadu kaga qayb-qaateen hirgelinta xafiiska ololaha ee labada murashax.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadallada ay murashaxiintu ka jeediyeen munaasibadda xadhigga lagaga jaray xafiisyadooda ololaha ee degmada Ballicabane.

https://www.youtube.com/watch?v=8WNY15n2Ubw