Murashax Jamaal Cismaan oo Shacabka ku hambalyeeyey Xuska 30-guurada Maalinta Qaranimada Somaliland

Hargeys (SM)- Murashax Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo ka mid ah murashaxiinta u taagan doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, ayaa shacabka Somaliland ku hambalyeeyey xuska 30-guurada maalinta Qaranimada ee 18-ka May oo maanta ku beegan.

Murashax Jamaal Cismaan oo ka mid ah murashixiinta ku tartamaya magaca Xisbiga Kulmiye, waxa uu  hambalyo u diray madaxda Qaranka ee ugu horreeyo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Murashax Jamaal Cismaan oo astaantiisa murashaxnimo tahay lambarka 212, waxa uu farriinta hambalyada xuska 18-ka May ka sokow baaq u diray taageerayaashiisa oo uu ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan qabsoomidda Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo muddo kooban ka hadhsan tahay, taas oo ku muddaysan inay dalka ka qabsoonto 31-ka bishan May.

Muuqaaalka Hoose ka daawo Farriinta Hambalyada ah ee Murashaxa oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa