Murashaxiinta Jamaal Cismaan iyo Axmed Kaare oo Kormeeray Xafiisyadooda degmada 31-ka May

Hargeysa (SalaanMedia)- Murashax Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo u sharraxan Golaha Deegaanka ee Hargeysa iyo Murashax Axmed Maxamuud Kaare oo u tartamaya kuraasta Golaha Wakiillada ee gobolka Maroodijeex, ayaa maanta kormeer ku sameeyey xafiisyada Ololaha Doorashada ee Degmada 31-ka May ee magaalada Hargeysa.

Murashax Axmed Kaare iyo Murashax Jamaal Cismaan, waxa xafiisyada ay kormeerka ku tageen ku qaabilay taageeraayaal tiro badan iyo masuuliyiinta Xafiisyada ay booqdeen.

Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay masuuliyiinta madaxda ka ah xafiisyada Ololaha ee labada murashax ku leeyihiin degmada 31-May, waxaanay bulshada ku boorriyeen inaanay u kala hadhin maalinta doorashada sidii ay codkooda ugu bar-bar joogsan lahaayeen labada murashax.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose