Waxqabadkii sannadkii 2020 u qabsoomay Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland

Gudidda Qandaraasyada Qaranka, oo wakil ka ah Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sannadkii dhamaaday ee 2020-kii shaacisay mashaariic horumarineed oo tiro badan kuwaasi oo dhammaantood dalka laga fuliyay. Mashaariicdaasi oo wax weyn ka taraya adeegyada bulshada, sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee ay ka midka yihiin Jidadka iyo waxyaabaaha la midka ah.
Fulinta iyo Hir-gelinta mashaariicdaasi ayaa dhammaantood la mariyey nidaamka sharciga ah ee Qandaraasyada Qaranka Somaliland, isla markaana laga naadiyay warbaahinta dalka, kadibna ay shirkadaha dalku ugu tartameen six or ah oo daah-furan.

Gudidda Qandaraasyada Qaranka Somaliland, ayaa hadafka iyo ujeedadooda ugu weyn ay tahay sugidda caddaaladda ee qandaraasyada dawladda, iyaga oo mar-walba xoogga saaraya sinnaanta bulsho iyo daah-furnaanta qandaraasyadas iyo tartamada mashaariicaha horumarineed