Daawo Khudbad Cajiib ah oo Madaxweynaha Somaliland ka jeediyey Xuska 26-ka June

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasibadaasi ayaa si qoto-dheer uga warramay marxaladihii ay Somaliland u soo martay xornimo doonkii ay ku guulaysatay 26kii June 1960kii, waxaanu tilmaamay inay noqotay halkii laga dhidbay calankii ugu horreeyey ee Soomaalidu yeelato.