“Laga Bilaabo Maanta Waxa Dekeda Berbera toos ugu soo xidhan doona Maraakiibta waaweyn ee Caalamiga ah” – Maareeyaha Dekedaha Somaliland

Berbera (SM)- Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, oo Khamiista todobaadkii hore khudbad ka Jeediyey Munaasibada xadhigga lagaga jaraayey Dekeda cusub ee Berbera, ayaa Munaasibada Daah-furka ka Jeediyey khudbad gilgishay marti sharaftii kala duwanayd ee kasoo Qaybgashay wan-qasha Dekeda cusub ee Berbera.

Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu si mug leh u Faahfaahiyey qaybaha uu ka kooban yahay mashruuca Dhismaha Dekeda cusub iyo Muhiimada uu u leeyahay Qaranka Somaliland iyo weliba guud ahaan Bulshada ku nool Geeska Afrika.

“Mudane Madaxweyne, Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxyaabaha uu ka kooban yahay mashruuca Dekeda cusub ee Berbera, waxa kamid ah, Koontiinar Terminal oo cabirkiisu yahay 400-mitir Kii-ga. Waxa la dhisay barxad weyn oo ka kooban, laba boqol oo Mitir, isku weer ah, barxada loogu talo galay in la dhigo Koontiinarada waxay qaadaysa 500,000-kun oo Koontiinar.

Cabirka ama Daraafka ay Maraakiibtu kusoo xidhaan Biyaha, waxa la gaadhsiiyey Heer caalami, oo ah mid ay kusoo xidhaan doonan markab kasta, waana 17-meter, halka teenii hore ahayd, 11-meter. Waxa la Keenay barxada Dekeda cusub sideed Wiish, oo ah kuwa Koontiinarada raseeya, oo ah nooca loo yaqaano (RTGS). “ Sidaas ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland.

Maareeyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Sidoo kale, waxa Dekeda lagu soo kordhiyey Saddex Wiish oo waaweyn oo ah kuwa lagu roggo Maraakiibta waaweyn, oo ah nooca loo yaqaano (STS). Dekeda cusub ee Berbera waxa laga fuliyey dhismayaal aad u faro-badan, kuwasoo ka kooban xafiisyo faro-badan, kuwasoo ay kusoo guuri-doonaan dhamaan xafiisyada ka shaqeeya Dekeda, sidii ay u sii laban-laabanto shaqada Dekeddu. Mudane Madaxweyne anigoo ka duulayna muhiimada ay Dekeda Berbera ugu fadhido Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana la jaan-qaadaysa horumarka iyo Casriyaynta ay fulisay Shirkada Dp World, waxaynu Somaliland ahaan Keenay Taagag Casriya, kuwasoo ah laba Taag oo Casriya, isla markaana mid walba uu yahay xajmigiisu, 3000-kun oo hos-power.

Waxa kaloo aynu kusoo kordhinay Dekeda Berbera Baylood bout Casriya, oo iyaddana ay raacaan Bayloodada soo xidha Maraakiibta, dhamaan agabkaas waxa soo Iibiyey Jamhuuriyadda Somaliland ee aad gadhwadeenka ka tahay, Madaxweyne waxaad soo gelisay hanti aad u faro-badan, si aynu ula jaan-qaadno, Casriyaynta iyo Balaadhanta Dekeda Berbera.”

Maareeyaha oo ka hadlayey wax-qabadyada ay DP World ku soo kordhisay Dekedda, waxa uu yidhi, “Shirkada DP World iyo dawlada Jamhuuriyadda Somaliland waxay wada-yeesheen shirkada Dp World Berbera, Terminal kan iyo cida maalgelisay. Waxa hadda ka hawlgala Dekeda Berbera qaybta mareeniska saddex Taag, laba taag waa kuwii aan soo sheegay, iyo mid ay mudo dheer Dekeddu lahayd oo aanu cusboonaysiinay. Dekeddu hadii ay tahay mid Caalamiya, waxa Maraakiibta soo xidha laba Taag, waxananu labada Taag usoo ibinay si aynu isula-jaan qaadno. Mudane Madaxweyne, Mudanayaal iyo marwooyin, laga bilaabo Maanta waxa Dekeda Berbera kusoo xidhan doonaa Maraakiibta waaweyn ee Caalamiga ah, waxanu ka maamul Deked ahaan rajaynaynaa inay wax weyni iska bedeli-doonaan mudadii ay soo socon-jireen Koontiinaraddu, oo waqtiyadii hore qaadan-jirtay mudo badan, ilaa 34-35-40, cisho ayay qaadan jirtay, laakin waxaan hadda rajaynaynaa in Maraakiibta waaweyn ee isagga goosha dunida sida China, iyo meelo ka fogba, ganacsatada ay ka caawin doonto, mudadii dheerayd ee ay sugayeen, aanay dhici doonin, balse ay hadda ku iman doonan Maraakiibtu mudo ka gaaban oo ah 19-cisho. Maraakiibtii hore inagu iman jiray, ee wax inooga soo qaadi-jirtay Cuman, Dubai, Sallaalah, iyo meel kale, maanta waxay toos ugu soo xidhan doonaan Dekeda Berbera, waxay wax ka dhimi doontaa talaabadaasi ganacsatada soo raraynaysa xaga nooliga, kan ayaa u jabnaan doona.”

Waxa kale oo Maareeyuhu sheegay, “Mudane Madaxweyne maanta Dekeda Caalamiga ah ee Berbera waxay u Diyaarsan tahay inay qaabisho, ama quudiso Geeska Afrika, waxanan rajaynayaa inay iyana Wadada Berbera Corridor iyana dhamaystiranto, waayo Deked bilaa wado ahi ma soconayso, insha allah Wadadina waa inoo dhamanaysa dhowaan. Waxaan aad usoo dhoweynaynaa Madaxda ka socota dalka Itoobiya, oo muujinaya doonista ah inay Isticmaalan Dekeda Berbera. Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera waxay soo martay caqabado badan, way ku dhamaatay mudadii loogu talo-galay, inkastoo Xaaladii Coronavirus mudo 6 bilood ah dib inoo dhigtay. Dekeda Berbera hadda waxa lagu darayaa 600-Meter insha allah, waxanay mustaqbalka dhow Dekeda Berbera inoo qorshaysan inay qaabisho in ka badan Hal-milyan oo Koontiinar.” Sidaas ayuu yidhi Maareeye Siciid.

Maareeyuhu waxa uu mahad-naq u jeediyey madaxweynaha Somaliland, “Gabo-gabadii waxaan Halkan si weyn ugu mahad-naqaya Shirkada Dp World, Shirkada Shifa-al-nahda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo aan si gaar ah ugu mahadnaqaayo, oo runtii geliyey dedaal iyo juhdi badan, sidii ay Mashaaricdani u Hirgeli lahaayeen, waxaan leeyahay Madaxweyne waan kaaga Mahad celinayaa inaad gadhwadeen iga dhigtay mashruucii ugu weyna Somaliland soo mara  abid,” Sidaas ayuu yidhi Md Siciid Xasan Cabdilaahi.