Marwo Rooda Cabdi Muuse oo soo bandhigtay Sababihii horseeday Guul-darradii Xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay Doorashada

Hargeysa (OWN)- Marwo Rooda Cabdi Muuse oo ka mid ah haweenka ka dhex-muuqda saaxadda siyaasadda Somaliland, ayaa si waafiya u falanqeysay doorashadii dalka ka dhacday 31M 2021 oo ay ku tilmaantay mid kor u qaadday magaca iyo sumcadda Somaliland ku leedahay mandaqadda Geeska AFrika iyo caalamkanba.

Marwo Rooda waxa ay Hambalyo u dirtay guud ahaan shacabka Jamhuuriyada Somaliland iyo Asxaabta qaranka Somaliland sida kalsoonida iyo dimuquraadiga ah ee ay u galeen tartanka doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka qabsoontay,

Waxa ay Marwo Rooda ay  tilmaantay masuuliyiin xilal qaranka ka haya oo ka gaabiyey inay isgarab taagaan musharaxiintii u sharaxnaa xisbiga kulmiye, kaas oo ay soo qaaday Maareeyaha guud dekedaha somaliland oo ay sheegtay in ay ahayd inay garab istaagaan musharaxiinta ka sharaxnaa xisbul xaakimka kulmiye ee aan ku guuleysan in ay kusoo baxaan.

Siyaasiyad Marwo Rooda Cabdi Muuse Ayaa kamid ahayd xubnihii firfircoonaa ee guusha weyn kasoo hooyey gobolka Saaxil Doorashiid Madaxweynimo ee dalka ka qabsoontay 2017kii ee jagada Madaxweynenimo kusoo baxay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Arrimaha kor ku xusan iyo Qodobbo kale, waxa ay Marwo Rooda kaga hadashay waraysi uu telefishanka Saab Tv kula yeeshay magaalada Hargeysa