Natiijooyinka Hordhaca 15 Degmo Doorasho ee Codbixinta Goleyaasha Deegaanka Somaliland

Hargeysa (SM)- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Degmo, ayaa shaaciyey natiijada hordhaca ah ee Codbixinta Doorashada goleyaasha deegaanka ee Lix degmo-doorasho oo ka tirsan 23 degmo-doorasho ee Somaliland ka kooban tahay.

Guddiga Doorashooyinka ee heer degmo waxa ay maanta shaaciyeen natiijooyinka hordhaca ah ee degmooyinka Sheekh, Caynaba, Balligubadle, Oodweyne, Baki iyo Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.

Guddiga Doorashooyinka, ayaa hore u shaaciyey natiijada codbixinta siddeed Degmo-doorasho, taas oo wadarta guud ee natiijooyinka hordhaca ah ee degmooyinka ka dhigaysa 15 degmo Doorasho, waxaana ilaa hadda tirada kuraasta lagu kala guulaystay hoggaaminaya xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Shax lagu muujiyey Tirada Kuraasida ay xisbiyadu ku kala guulaysteen degmooyinka dalka