Dhoy la’aanta Muuse & Kulmiye Dhaygaga Caalamka Iyo Dhur-suga Shacabka .

Dhoy la’aanta Muuse & Kulmiye
Dhaygaga Caalamka
Iyo Dhur-suga Shacabka .

Inagoo aynu wada Ogsoonahay waxynu Tabayno Muwadiniin ahaan ee ah Tiirarka Aasaska Nolosha u ah Ummada iyo Rukunkumada Horumarka loo baahi qabo ayaa waxaynu wax iska waydiinaynaa inagoo Eegayna Maxaa Shacabka Somaliland ka qabyo ah ee u baahan qabyo tir maxase u qabsoomay.
Tiirka ugu Horeeya ee La dugsadaa waa Nabadgalayada oo ah Xasiloonida Bulsho xejisato markay rabaan in ay Nolol Suuro geliyaan si ay Bulshadaasi u Noqoto mid Sii jirta oo Horumar hiigsata.
Waxa ku xigaa waa Maamul Dawladnimo iyo Nidaam suga Adeegyada Bulsho u baahan tahay oo ay ugu horeyso Cadaaladu, si Qof kasta oo Muwadin ahi uu u noqdo Qof Niyada ka Degen oo Xasiloon, Labadaa markay Bulsho is la hesho waxaa la raadiya waa Wixii Rukumada Aasaska Horumarka Bud dhig u noqon lahaa oo ah Adeega iyo Hiigsiga Nolosha si loo Asteeyo loona Xasiliyo Tacabka waxaana ka mid ah
Caafimadka , Waxbarashada , Shaqo Abuurka iyo in uu Mawadinku u kala gooshi karo Deeganada uu Rabo isagoo og in aanay wax Dhibato ahi soo wajihi karin oo uu ku sugnaado Nabad-qab.
Waxa kale oo Dawlada laga rabaa in ay Dadka isku illaaliso iskuna hayso iyagana kala illaaliso una Xaq soorto, iyo in ay Dalka iyo Dadkaba Ka illaliso Cadawga Dibada iyo ka Gudahaba , Xuduudka Dalkana sugto. Intaasi waa wajibadka Caalimiga ah ee Dawlada laga rabo.
Bal hadaba aynu dib u mililicno 30 Sano ee Somaliland jirtay Maxaa qabsoomay, Siiba 10 Sano ee u sii dabeeyey ee Kulmiye Talada Hayay maxaa Qabsoomay maxase Qaribmay .
•Maxaa Cadalad ka hirgalay , •Maxaa Caafimad iyo Cisbatalo lagu soo kordhiyay Shacabku ma helaa Adeega Caafimaad.
•Maxaa Shaqo Abuur soo kordhay. •Maxaa Wadooyin La dayac tiray . •Soohidnta Somaliland ee Xuduudka ma La soo jaangooyay. •Iyo Wixii kale ee Dawladi qaban jirtay ma la hirgeliyay.
Somaliland Aduunka waxay kaga jirtaa hadaad u eegto Dhaqalaha Aduunka waa wadanka 11 ee ugu Faqiirsan marka loo eego Dunida inteeda kale 10 dal ayaa inaga sii liita.
Umadd kastana waxa Dhaqalahooda kobciyaa waa hadba sida Dawlada iyo Nidamka jiraa uu u qorsheeyo Hadba waxa Dalkaa soo gala ee Ama Cashuurta soo xaroota ah ama Ta Dawladuhu ku cawiyaan iyo Hadba wuxu dalku leeyahay oo loo raadiyo Iib iyo Ganacsi sida Xoolaha, Beeraha, Kaluunka Iwm.
Sikasta ha ahatee waxa halkaa ina geeyey iyo in aynu ka mid noqono 11 Dal ee ugu Faqiirsan Dunida waa :
1.Musuq-maasuqa Baahsan ee Dalkeena ka jira.
2. Cadalada Darada cid waliba arkayso.
3. Iskala qobqobka aynu u kala fadhino Reer Hebel iyo Hebelo.

Hadaba Dhoy la’aanta Muuse & Kulmiye ma yihiin Nidaam aynu odhan karno wuu fahansahay hawsha hor taala mise waa Maamul Moogane ah oo aan ku wajahanayn Cadalad Taama wax qabadka aynu Tabayno Shacab ahaan.
Caalamku wuxuu la dhay-gagsan yahay hadba sidaynu u hanano Dalkeena ka Ummad iyo Maamul ahaan iyo Sidaynu u sugno Cadaalada iyo Dimiqraadiya ay nidhi waxaanu leenahay Asxaab qaran iyo Doorosho Xor ah.
Ma haynaa Dhabadii aynu Aduunka u sheegnay. ?

Shacabku wuxuu ka Dhursugayaa hadba wixii aynu Ummad ahaan ku heshiinay 1991 oo ahaa Axdi qarameedkii aynu nidhi Gacmaha ayaynu is qab-sanaynaa inagoo Somaliland oo dhan ah .
Su”aashu waxay tahay
• Maxaa ka Hir galay wixii .
• Mase haynaa Dhabadii aynu wax ku rabay .
• Sidani ma tahay sidaynu wax u rabnay oo Cadalad ku sugan.

Waxaan gabagabadii soo jeedinaya Anigoo la hadlaya Shacabka Somaliland yaynaan noqon Ummad Raali ka noqota in uu Abuurmo Kaligii Taliye . Yaynaan noqon Ummad Cirdoogada iyo Sharaftooda Iib-geysa.
Allah Mahad Leh.

Anis M Ismail