Guur Guurka Siyaasada • FAALO.

Guur Guurka Siyaasada

• FAALO.

Anigoo ka xadhig -xidhanaya Guud haan Siyaasada Soomalida Gaar ahaana Ta Somaliland ayaan jeclaystay in aan Faalandan u qalin-qaato iskuna dayo siday ila tahay Anigoo jecel in aan iska dhawro wixii Deel-qaafa rabana in aan iba-furo fikirkayga .

Waxaan is-weydiinaya maxaa kalifa Qofku inuu ku badhi-furo halkuu ka tirsan yahay ee uu Joogo Anigoo waliba Cudur-daar u samaynaya iyadoo aan ogahay :
1. In Qofku Damac leeyahay.
2. In Qofka Huguri qaadi karo .
Macnaha Siyasadu waa Nidaam Dhaq-dhaqaaq oo lagu mamuulo Dal, Gobol, Beel IWM oo u Asteeya wax ka badalka Nolosha Bulshada si loo horumariyo Heerka Noloshooda , waana Loolan ka dhexeeya Kooxo , Ururo iyo Xisbiyo
Raba in ay wax ka badalaan hadba ciday rabaan in ay Hogaamiyaan iyadoo Koox kasta ay soo ban-dhinagayso hanashada Bulshada ay rabaan in ay mataal iyagoo ku kasbanaya wax ka badalka Aasaaska Noloshooda oo ah Sidii ay u hirgelin lahayeen Nabad galyadooda , Cadaladooda, Caafimadka, Shaqo-Abuurka iyo Waxbarasho Tayo leh .
Iyadoo inta la rabo in Xisbiga ama Kooxdu Qofku ka tirsan yahay uu ku hanto Taageerayashiisa , maxaa kalifaya in uu meel kale u hanqal taago .
Waxa is weydiin leh
1. Ma marka hore Ayanu siyasada aqoon. ?
2. Ma Siyasada Lagu maamulayo ayaanu ku qanacsanayn Xisbiga?
3. Ma Rabitaankiisa ayaa ka xoog badan Mabda’a Xisbiga uu ku jiro?
4. Dadka la xulanayo iyo Cida ehelka u ah Xisbiga ma Aqoon daraa kala haysa ?

Su’alahaasi waa kuwa aan baaditaanka ugu jiro , wallow Aan ogahay in Siyaasinta Somaliland ay guur-guuraan oo aad moodo in badankoodu aanay Mabda’a ugu jirin Xisbiyada ee ay Inta badan door bidaan siyasada Shaqsi ahaaneed oo ku soo af-jaranta in aan lagu Hanan karin Cadalad iyo Mustaqbalka Dadka iyo Dalka.
Waxaan Shaqsi ahaan jeclaan lahaa in Siyasadaheena lagu Jaan-gooyo Mid Xanbaarsan Masiirka Ummada iyo Mustaqbal Tayo leh oo la Taaban karo

Anis M Ismail.