Isbahaysi u dhexeeya Xibsiga KULMIYE iyo Garab xisbiga UCID ah oo ku heshiiyey Murrashaxiinta ay u wadaan shirguddoonka Golaha Wakiillada

Hargeysa (SM)- Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka KULMIYE, xildhibaannada xisbiga uga soo baxay doorashooyinkii wakiillada iyo garab isugu jira siyaasiyiin iyo 11 (Kow iyo toban) xildhibaan oo kasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta heshiis la iskula gartay cidda loo sharrixi  doono  shir-guddoonka golaha wakiillada ku kala saxeexday magaalada Hargeysa.

Munaasibadda heshiiskan lagu kala saxeexday oo ay goob-joog ka ahaayeen hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, xildhibaannadii xisbiga KULMIYE golaha wakiillada uga soo baxay, garab katirsan xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo ay hoggaaminayaan 11-xildhibaan oo golaha wakiillada ah iyo siyaasiyiin iyo halkdoor kale, ayuu nuxurkeedu ahaa sidii wada-jir loogu dhisi lahaa saddex xildhibaan oo kasoo kala baxay xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo ay labada dhinac isla garteen inay noqdaan xubnaha noqon doona shirguddoonka golaha wakiillada, kuwaas oo kala ah  xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo xisbiga KULMIYE u sharraxay guddoomiyaha golaha wakiillada,  Siciid Faarax Mire (Giirre) iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo u kala sharraxan guddoomiye-ku-xigeenka koowaad iyo labaad e golaha wakiillada, kana soo baxay xisbiga UCID.

Ugu horrayn Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid oo katirsan garabka UCID ee maanta heshiiska saxeexay, siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo  Axmed Cabdi Muuse Abyan oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ujeeddada heshiiska labada xisbi, waxana ay hoosta ka xarriiqeen  inay ka go’an tahay in wada-jir loo dhiso saddexda xildhibaan ee mudaneyaasha KULMIYE iyo UCID usoo sharraxeen shir-guddoonka golaha wakiillada.

Xildhibaan Siciid Faarax Mire (Giirre) oo loo gartay inuu u tartamo jagada guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, ayaa isaguna dhankiisa xildhibaanada KULMIYE  iyo hoggaanka xisbigaba uga mahadnaqay inay soo dhaweeyeen rabitaankiisa shirguddoonka golaha, waxana uu caddeeyey inuu si buuxda ugu kalsoon yahay in heshiiska cusub ee maanta labada dhinac kala saxeexdeen uu horseedi doono gaadhitaanka yoolka shir-guddoonka.

Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo u sharraxan jagada guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee shirguddoonka wakiillada, ayaa shaaciyey in xisbiga UCID dhexdiisa lagu curdin-dhadhiyey hankiisii aan qarsoonayn ee la xidhiidhay shirguddoonka, balse uu hankaasi soo dhaweyn ka helay dhinaca xildhibaanada KULMIYE, taasina ay keentay inay labada dhinac ku heshiiyaan dhismaha shirguddoon labada xisbiba katirsan.