Maayarka Caasimadda oo mar kale hoggaamiyey Olole Nadaafadeed oo maanta laga fuliyey Dooxa Hargeysa

Hargeysa (SM)- Maayarka Hargeysa oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golaha deegaanka ee caasimadda, shaqaalaha Dawladda Hoose iyo Dadweyne iskood isu diray, ayaa maanta olole nadaafadeed ka fuliyay Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo ololaha nadaafadeed ee maayarku horkacayey ka soo qayb-galay Qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga iyo Shaqaalaha Dowladda Hoose oo qayb laxaad leh ka geystay ololaha qashin-gurka oo markii labaad laga fuliyey Dooxa Hargeysa tan iyo intii xilalka loo dhaariyey Golaha Deegaanka Caasimadda.