Mujaahid Mohamed Aar Abdilahi oo Ka mid ah Siyaasiinta Dada Yare ee Somaliland oo ku Hawlan Dhaqdhaqaaqa Ururada Siyaasada ee Somaliland

Tan iyo intii Lagu Dhawaaqay,   Isla Markaana ay Golaha Guurtidu ansixiyeen, furista Ururada Siyaasada ee Somaliland,  Ayaa Waxaa isasoo taraya, Hadal haynta iyo Warar Sheegaya, in Siyaasaga  Dada yare e  Mohamed Aar, oo ka mid ahaa  Mujaahidiintii ka Qaybqaatay Dagaalkii Buuraha ee 1982kii ay  Mujaahidiintii SNM la Galeen, Taliskii Siyaad bare Wakhtigaasi, oo Gabi ahaanba Geeska Afrika laga Dareemay Awooda Ciidan ee cududii SNM,  Mohamed Aar Waxaa kale oo  uu kasoo Qabtay,  Xukumadii  Madaxwayne Daahir Riyaale, ee Xisbigii udub  Xilka Safiirka, Wareega, Iyadoo uu  Mohamed Aar ka Qayb Qaatay, Qadiyada Ictirifaaf Raadinta Somaliland, Shaqooyin badana Soo Qabtay.

Haddaba Sida Warar lagu kalsoonyahay, ay Sheegayaan  Ayaa Siyaasigan Dada yare e Mohamed Aar, Ayaa  Dhaqdhaqaaqyo, Siyaasadeed ka wada Gudaha iyo dibadaba isagoo  Qabtay, Shirarbadan oo  ku dhacay, Habka Maqalka iyo Muuqaalka, Shirarkaasi oo daaran  sidii  ay Mohamed Aar iyo Siyaasiinkale oo  u dhashay Dalkan jamuuriyada, Somaliland ay uga Qayb qaadan lahaayeen,  Ururada  Cusub ee dhawaan la furi doono, Iyadoo  oo aanay ilaa hadda Shaacin, Magaca ururka ay la bixi doonaan,

Warar lagu kalsoon yahay, oo ku Saabsan arinka urur furashada ayaa Waxay sheegayaan in Siyaasiinta iyo aqoonyahankani ay isla qaateen inay  Wadankii dib ugu noqdaan isla markaana ay Wada tashi ula noqdaan bulshooyinka ay kasoo jeedaan ee gobolka Maroodi jeex.

Mudane Mohamed Aar oo  Muddo hada laga Joogo Sanad  Madaxwaynaha,  ay kulan yeesheen, ayaa Waxaa uu Mohamed Aar usoo jeediyey  inuu furo, ururada Siyaasada, Wakhtigaas  oo Madaxwaynuhu u sheegay, inaanay, Wakhtigan ku haboonayn, laakiin ay Wakhtigeeda iman Doonto,

Waxaynu Sugnaa Waa   Xirfadaha Siyaasadeed ee uu la yimaado Mohamed Aar Cabdilaahi,  oo  ay aad isugu dhawyihiin  Madaxwayne Muuse  Biixi isla markaana ay aqoon fiican isku lahaayeen Wakhtigii  Mujaahidiinta Halgankii SNM.

Qalinkii Mohamed Haldoor.