Safaaradda Somaliland ee Dalka Ethiopia oo Jawaab Adag ka bixisay eedayn loo jeediyey

Addis Ababa (SM)- Safaaradda Somaliland ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa waxba-ka-jiraan ku tilmaantay hadal Salaasadii shalay ka soo yeedhay Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada JSL oo eedaymo u jeediyey masuuliyuiinta safaaradda.

Xildhibaan Mustafe Axmed oo ka mid ah mudaneyaasha Xisbiga Kulmiye ee Golaha Wakiillada uga soo baxay Gobolka Sool, waxa uu magaalada Hargeysa warbaahinta ugu sheegay inuu baxsad iyo fakad kaga yimi magaalada Addis Ababa oo uu toddobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa, kaddib markii sida uu ku dooday af-duub loogu geysan gaadhay caasimadda Ethiopia halkaas oo uu sheegay inay ugu yimaaddeen xubno ka tirsan sirdoonka Ethiopia oo inay fal-dambiyeed ka dhan ah dalkaas ku haystaan u sheegtay.

Waxa uu xildhibaanku ku eedeeyey safaaradda inay telefoonada masuuliyiintu xidhnaayeen markii uu isku dayey inuu la xidhiidho si uu ugu war-geliyo dhacdada uu la kulmay, waxaanu intaas ku daray eedayn salka ku haysa arrimo siyaasadeed oo khuseeya loolanka siyaasadeed ee xilligan ka taagan gudaha dalka.

Haddaba, Safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Ethiopia Garyaqaan Barkhad Maxamuud Kaariye oo isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa shir-jaraa’id ku qabtay xarunta safaaradda, ayaa jawaab ka bixiyey eedaynta xildhibaanka, waxaanu sheegay inaanay jirin wax ay safaarad ahaan ka ogyihiin xadhigga xildhibaanku sheegay isla markaana aanu xildhibaanku wax xidhiidh ah la soo samaynin safaaradda.