Wasaaradda Maaliyadda JSL oo tabobar u furtay Qaar ka tirsan Shaqaale Waaxeedyada Wasaaradda

Hargeysa (SM)- Xafiiska Xidhiidhka Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda oo kaashanaya Waaxda Dhaqaalaha iyo Tirokoobka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa soo agaasimay tabobar saddex maalmood socon doona oo ku saabsan lafo-guridda iyo abla-ableynta halbeegyada dhaqaalaha guud ee Dalka.

Tobobarkan oo loo qabtay shaqaalaha qaybo kamid ah waxaaha Wasaaraddda waxa looga danleeyahay in lagu tayeeyo xirfadaha muhiimka u ah sida loo darso halbeegyada dhaqaalaha sida; Waxsoosaarka guud ee Dalka, shaqo-la’aanta, heerka sixirbararka iyo waliba s(iyaasadaha u dejisan ee ay tahay in lagu hago sida; siyaasadda maaliyadda, siyaasadda lacagta iyo siyaasadda iskubeddelka lacagaha, waxana casharada bixinaya inta uu socdo khabiir wasaaradda Maaliyadda kala shaqeeya arrimaha dhaqaalaha.

Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda Md. Muuse Ibrahim Yuusuf oo si rasmi ah u furay ayaa kula dardaarmay saraakiisha tabobarka loo qabtay in ay ka faa’iidaystaan inta uu socdo, aqoontoodana kobciyaan si ay shaqooyinkooda ugu dabaqaan xirfadda ay halkan ka bartaan.