Wasiirada reer Awdal oo Nidar la galay Madaxweynaha Somaliland iyo Bulshada Gobolka vs Jewigii 35 Dhalinyaro reer Boorama ah oo la sii daayey

Hargeysa (SM)- 35 Dhalinyaro oo 26-kii June magaalada Boorama laga soo qab-qabtay kaddib markii ay la soo baxeen calanka Soomaaliya, ayaa maanta xorriyadooda dib loogu soo celiyey.

Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay sii-deynta dhalinyaradaas oo uu sheegay inay ku timi cafis madaxweyne kaddib markii xubnaha wasiirrada iyo xildhibaannada baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Awdal codsi sii-deyntooda ay kaga dalbanayaan u gudbiyeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay yeesheen kulan fool-ka-fool ah.