Xildhibaan Barkhad Batuun oo Fashiliyey Xil-gudasho la’aan iyo Musuq ka jira Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Hargeysa (SM)- Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah mudaneyaasha ku soo baxay golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dhaliilo adag u ujeediyey masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta oo uu ku eedeeyey inay gabeen ama ka gaabiyeen fulinta iyo dar-dargelinta hawlaha ay qaranka u qaabilsan tahay hay’adda dowladeed ee masuuliyadeeda loo xil-saaray.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo hadal ka jeediyey munaasibad xalay lagu soo bandhigay buug uu qoray Abwaan Yuusuf Shaacir, ayaa ku dhaliilay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Saleebaan Cali Koore iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Maxamed Yuusuf inay ku fashilmeen jihaynta hawlaha ay qaranka u qaabilsan tahay Wasaaradda Warfaafinta isla markaana ay kharashkii iyo miisaaniyaddii loogu talo-galay wax-qabadka wasaaradda ku bixiyaan waxyaabo aan muhiimadd u lahayn danta qaranka.

Muuqaalka hoose ka daawo Hadalka xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun