Guddiga Qandaraasyada oo Tartan u qabtay Shirkadaha Iftiiminaya Garoonka Hargeysa Stadium

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay Mashruuc loogu tartamayo Iftiiminta iyo Koronto-gelinta Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Hargeysa, kaas oo saamaxaya in xilliyada habeenkii lagu cayaari karo Hargeysa Stadium.