Guddoomiyaha Degmada Abaarso oo Si Adag uga hadlay Dacaayado laga faafiyey Abaarso Schools

Abaarso (SM)- Guddoomiyaha Degmada Abaarso ee gobolka Maroodijeex Cumar Yaasiin Muxumed, ayaa si adag uga hadlay warar laga faafiyey Dugsiga Abaarso School oo ku yaalla deegaankaas.

Guddoomiye Cumar Yaasiin waxa uu been-abuur ku tilmaamay wararka laga baahiyey dugsiga Abaarso Schools, kuwaas oo uu sheegay inay ka dambeeyaan Cid dano gaar ah oo siyaasadeed wadata, kuwaas oo ugu baaqay inaanay marnaba u suurto-gali doonin inay dacaayadahooda waxyeello ugu geystaan Dugsiga Abaarso.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad uu qalab Isbuurto maanta kagala wareegay Urur maxalli ah oo lagu magaaabo SMARAG.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka guddoomiyaha Degmada Abaarso.