Guddoomiye Cumar Yaasiin oo Agab Isboorti kala wareegay Ururka SMARAG

Abaarso (SM)- Guddoomiyaha Degmada Abaarso ee gobolka Maroodijeex Cumar Yaasiin Muxumed, ayaa maanta Qalab Isboorti kala wareegay Ururka haweenka ee SMARAG oo ka shaqeeya Wacyi-gelinta iyo Cilmi-baadhista Arrimaha bulshada.

Munaasibadda Guddoomiyuhu Agabka Isboorti kula wareegay oo ku qabsoontay degmada Abaarso waxa ka qayb-galay maamulka degmada, Wax-garadka, Odayaasha iyo Dhalinyarada Degmada iyo masuuliyiinta Ururka SMARAG (Somaliland Mobilization and Research Action Group).

Guddoomiye Cumar Yaasiin Muxumed oo hadal ka jeediyey munaasibadda, waxa uu ururka uga mahad-celiyey deeqda agabka Isboorti oo ku tilmaamay mid wax weyn ka taraya horumarinta iyo Dhiiri-gelinta Ciyaaraha ee dhalinyarada Degmada.

Waxa kale oo munaasibadda hadallo ka jeediyey xubno ka tirsan ururka SMARAG.

Muuqaalka Hoose ka daawo warka oo faahfaahsan iyo hadallada laga jeediyey munaasibadda