Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Gudidda Qandaraasyada Qaranka Ayaa Shaacisay Shirkidda Ku Guulaystay Mashruuca Dhismaha Maxadka Tababarka Dawladaha Hoose.

Hargeysa (SM)- Gudoomiyaha gudida qandaraasyada qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruucaasi ay usoo tartameen 29 shirkadood taas oo ay habsaameen 3 shirkadood islamarkaa waxa ku guulastay shirkada  dhismaha Xaaji Muuse, waxaanu gudoomiyuhu  ka codsaday shirkada ku guulasytay in qaranka ay u dhisto dhismo tayo leh halka sidoo kale uu sheegay in hadii ay jiraan wax cabasho ahi ay gudidu diyaar u tahay in ay dhagaysto.

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay Maxamuud Baarcad oo ka tirsan gudida qandaraasyada qaranka oo ka waramay muhiimada dhismaha loo tartamay isagoo ku adkeeyay shirkada guulaystay in ay kasoo baxdo balanta ay qaranka u qaaday.

Waxa iyaguna halkaasi hadalo la xidhiidha qandaraaska kasoo jeediyay shirkadihii  waayay qandaraaska iyo shirkadii guulaystay  kuwaas oo dhamaantood sheegay in ay ku qanacsanyihiin sida tartanku u dhacay.