Isku Shaandhaynta Uu Madaxweyne Muuse Biixi Soo Waddo Iyo Caqabaddaha Ku Gaddaaman Sidday Aniga Ila Tahay. Qalinkii Cabdirisaaq Suudi Nuur.

Isku Shaandhaynta Uu Madaxweyne Muuse Biixi Soo Waddo Iyo Caqabaddaha Ku Gaddaaman Sidday Aniga Ila Tahay. Qalinkii Cabdirisaaq Suudi Nuur.
======================================

1. M/wayne dadka Xadhiga C/maalik Muuse Coldoon ka hadlaya qaarkood waa Xil-doon
2. Wasiiradii hore ee Xukuumaddii Siilaanyo qaarkood waa Xil-doon
3. Xil-nadii 16-ka sano golaha wakiilada Fadhiyay ee hadda kuraasta baneeyay qaarkood Waa Xil-doon
4. Xil-nadii Tartankii doorashada ku hadhay ee Soo bixi waayay ee kharashka badani ka baxay qaarkood waa Xil-doon
5. Masuuliyiinta Xilalka qaranka hayaana waxay U arkaan in joogitaan-kooda iyo inay Xilka sii Hayaan ay ku jirto danta Somaliland oo haddii la badalo uu Xaalku Noqon doono ka dar oo dibi dhal.

6. Xil-nadii ka soo baxay Xisbiyada Mucasradka ee doorashadii Shir-gudoonka u codeeyay Musharaxiintii uu Watay Xisbiga kulmiye Waxay Taageerayahoodii qaarkood ku qanciyeen in ay qayb ka helayaan isku Shaandhaynta uu soo Wado M/wayne Muuse Biixi Iyagana dad badan Ayaa wax ka sugaya.

7. Aqoon-yahanka ka qalin Jabiyay Jaamacadaha Somaliland intooda badani Waxay isku duba rideen Cv-yadii muujinayay Aqoontii ay soo barteen oo Iyagana intooda Badani waa Xil-doon.

8. Haweenku waxay isku qanciyaan mar haddii aynu ku qadnay oo aynaan waxba ka helin doorashadii golaha wakiilada iyo Golayaasha deegaanka oo aynaan ku soo bixin cawil-naqa Waxaynu Ka heli ilaahay idankii qalinka Madaxwayne Muuse Biixi iyagana qaarkood Waa Xil-doon.

9. Beelaha la hayb-sooco iyaguna Waxay Rajaynayaan in arintooda uu si gaar ah u eegi doono M/waynuhu iyguna sida qaybaha kale ee bulshadaba qayb ka mid ahi waa Xil-doon.
10. Qurba-joogu waxay rumasan-yihiin in ay Yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha iyo inay Casuumado ballaadhan oo kharash badani ku Baxo u sameeyaan M/waynayaasha Somaliland marka ay qurbaha ugu tagaan (Xaal ragna waa amaah)sidaa darteed Uu Madax- Waynuhu u qoondayn doono saami ka baxsan Kan qolqol jooga iyagana intooda Badani Waa Xil-doon.

11. Madax-dhaqameedku waxay rumaysan Yihiin in ay doorashadii Madaxtooyadu soo dhawaatay M/waynayaasha cidda soo Saartaana ay iyaga yihiin oo ay luqada lagula Hadlo beelaha yaqaanaan sidaa darteedna Haddii uu M/wayne Muuse Biixi mar labaad uu Musharax yahay uu iyaga mindida daabkeeda U dhiibi doono.

12. Culimaa’u diinku Waa qayb muhiim ah oo Ka mida bushada Waana cidda loogu dhago nugul-yahay Waxaanan filayaa inay rajaynayaan in iyagana uu M/waynuhu halkooda ku maamuusi doono oo uu sad gaar ah u qoondayn doono.

13. Ganacsiga iyo siyaasadu ma kala Maarmaan sidaa darteed ganacsatada Waawayn ee Somaliland waxay u arkaan in ay Tiir dhaxaad ama udub dhaxaad aan laga Maarmi karin u yihiin habsami u socodka Nidaamka dawladnimo maadaama ay yihiin Cashuur bixiyayaasha ugu muhiimsan oo Maaliyadiina gacanta ku haya sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay inay helaan cid ku Matasha miiska jaan goynta Siyaasada ee Somaliland.
14. Haddii aad ra’yi ururin samayso waxaad ku Ogaanaysaa dad badan ayaa waxay ku Odhanayaan M/waynaha ma diidanin laakiin Rakaabkiisaa Xun oo uu macnaheedu yahay inay bulashadu saluug wayn ka muujinayaan dadka uu M/waynuhu Xilalka qaranka u Magacaabay.

Hadaba Saaxiibayaal Waxaan Xasuustay Riwaayadii dad-wadaaje qurboow maxaad duul isu keentay ee uu alifay abwaanka axmed Saleebaan bidde 1986-kii.

Akhriste Maxay Adiga Kula Tahay
Waa qalinlkii C/risaaq Suudi Nuur.