Wasaaradda Maaliyadda JSL oo Shahaadooyin Guddoonsiisay Shaqaale lagu tabobaray Maamulka Maaliyadda

Hargeysa (SM)- Xafiiska Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda ayaa soo agaasimay kulan casho ah oo Shahaadooyin lagu guddoonsiiyey qaybo kamid ah shaqaalaha dowladda ee ka faa’iidaystay Mashruuca Waxbarashada iyo Tabo-barka oo qayb ka ah Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda.

Kulankan oo ujeeddadiis ahayd Mahadnaq, dhiirigelin iyo dardaaran uu shaqaalaha u jeediyey Wasiirka Horumarinta Maaliyaddu Dr. Saad Ali Shire iyo Wasiirku xigeenka Horumarinta Maalyadda Md. Muuse Ibraahim Yusuf, waxaana intii munaasibaddu socotay shahaadooyin lagu guddoonsiiyey shaqaalihii dhammaystay labo tabobar oo ku saabsan hannaanka diyaarinta miisaaniyadda iyo Habraacyada Caalamiga ah ee Xisaabaadka dowladda.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose