Wasaaradda Maaliyadda oo kulan ku saabsan Qiimeynta iyo Abaal-marinta Masuuliyiinta Waaxaha Dakhliga

Hargeysa (SM)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta munaasibad lagu qiimeynayo isla markaana lagu abaal-marinayo u qabatay masuuliyiinta Waaxaha Cashuuraha Berriga iyo Kastamada, taas oo ku saabsan dakhli-ururinta Lixdii bilood ee u horeeyey Sannadkan.

Munaasibadda waxa goob-joog ka ahaa oo ka qayb-galay madaxda ugu sarreysa wasaaradda oo ay ugu horreeyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Salaf iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose