Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Ka Hadlay Xadhiga WARIYE Coldoon Ee Ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi, Galabta Xabsiga Burco Ugu Taxaabtay.

Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Ka Hadlay Xadhiga WARIYE Coldoon Ee Ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi, Galabta Xabsiga Burco Ugu Taxaabtay.
======================================

 Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Oo Ka Mid Ah Xildhibaannadda Cusub Ee Golaha Wakiiladda Somaliland, Isla-markaana Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Uga Soo Baxay Gobolka Awdal, Ayaa ka hadlay Xadhiga ay Galabta Xabsiga Burco Ugu Taxaabtay WARIYE Cabdi-maalik Muuse Coldoon.

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Oo Qoraalka Uu Kaga Hadlay Soo Dhigay Bartiisa Facebook, Isla-markaana Uu idiin soo gudbiyey Xafiiska War-qabadka ee Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Ku Leedahay Magaaladda Hargeysa, Ayaa Siddan Ku Yidhi Qoraalkiisa “Sharcigee xidhaya Qof ka umadan muslimka ah ee Reer somaliland uga digaya xogteedana soo helay Ruux baadariyad ah oo u ban baxday Gaalaynta dadka hadii ay iyada tahay Joy??

Waar hadii Coldoon been sheegayo miyayna ahayn intaan la xidhin in dood lagu hor istaago beenta uu sheegayo kadib hadii lagu helo beena dhidhiibso layidhaa hadii uu dhidhiibsan waayana markaa xabsiga loo dhaadhacsho.

Waxan usoo jeedinaynaa xukumadu inay dhex u ahaato goobaha wax laga sheegayo iyo dadka wax ka sheegaya oo ay ugu yaran labada dhinac isku dhagaysato taasaa xaqa u dhawe oo haday rabto u qabato dood baladhan oo dhinac walba la yidhaa burhaantaada la kaalay.

Maxaa yeelay goobahani waxay leeyihiin legal personality ay isku difaacaan oo ka madax banaan xukuumada umadu igmatay.”

Source Qumannews