Xogihii u dambeeyey Loolanka shir-guddoonka, Tirada Xildhibanada La kala haysto iyo Saadaasha Fadhiga Berri ee Golaha Wakiilada JSL

Hargeysa (SM)- Subaxnimada maalinta Berri oo Salaasa ah waxa Xarunta Golaha Wakiillada ka furmaya Fadhigii ugu horreeyey ee Xildhibaannada Golaha cusub ee dhawaan la doortay, waxaana la filayaa in fadhigaas lagu doorto shir-guddoonka Golahaas oo loolan adagi u dhexeeyo Xisbiga Kulmiye iyo Isbahaysiga Mucaaradka.

Haddaba, waxa loolanka labada dhinac iyo natiijada laga fili karo fadhiga berri ka hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsanaa Golihii Wakiillada ee Xilalka banneeyey, waxaanu sawir ka bixinayaa halka lakala marayo iyo saadaasha laga fili karo Fadhiga Berri ay isugu imanayaan Xildhibaannada Cusub ee Golaha wakiillada ee la filayo inay doortaan Shir-guddoonka Cusub ee Golahaas.