“Go’aamada ka soo baxay Maxkamadda Sare waa sharci, Golaha Wakiilladuna mooshin kama keeni karo”

Hargeysa (SM)- Gudoomiye ku xigeenka Guddi-hoosaadka Shuruucda iyo Arrimaha Garsoorka ee Golaha Guurtida Xildhibaan Garyaqaan Mustafe Maxamed ayaa sheegay in Qaraar Maxkamadda Sare soo saartay aanay Golaha Wakiiladu mooshin ka keeni karin, isla markaana sharci daro ku tilmaamay mooshin Golaha Wakiiladdu ansixiyeen.

Xildhibaan Mustafe oo ka tirsan Golaha Guurtida, isla markaana hore muddo dheer u soo ahaa Sharciyaqaankii Golahii hore Wakiilada ayaa sheegay in Hay’adda Caymiska Qaranku soo saartay go’aan maamul oo ay shirkad gaar ah ugu xidhay addeegga Caymiska Gaadiidka, isla markaana ay shirkadaha Caymisku xaq u lahaayeen in ay go’aankaasi Maxkamadda Sare racfaan uga qaataan.

Hadalka Xildhibaan Mustafe oo daba socday soo-jeedin Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha & xildhibaano kale oo Wakiiladdu kaga keeneen mooshin habraaca xilgudashada Hay’adda Caymiska Qaranka iyo Fulinta Go’aanka Maxkamadda Sare kaga keeneen, isla markaana cod aqlabiyad ah Golaha Wakiiladu ku meel-mariyeen ayaa deedafeeyey mooshinka, isla markaana ku tilmaamay sharcidarro, mar uu shalay warbaahinta Somali Cable kula hadlay magaalada Hargeysa.

“Golaha Wakiiladdu waa inuu ku dhaqmo awoodaha Dastuurku siiyey keliya, mooshinkii Wakiiladdu ka keeneen arrinka Caymiska oo hore Qaraar uga soo saartay Maxkamadda Sare, runtii sharci muu ahayn,” ayuu ku jawaabay Xildhibaan Mustafe, mar la weydiiyey siduu u arko mooshin khilaaf keenay oo Golaha Wakiiladu ansixiyeen.

Xildhibaanka oo sharaxaad ka bixinayey arrinka khilaafka keenay ayaa sheegay in Hay’adda Caymiska Qaranku soo saartay go’aan maamul oo ay shirkad gaar ah ugu xidhay adeega Caymiska, markaa shirkadaha Caymisku xaq ayey u lahaayeen inay go’aanka racfaan uga qaataan Maxkamadda Sare ah, waxaanu yidhi,

“Go’aankii Hay’adda Caymiska Qaranku shirkad gaar ah ugu xidhay adeega Caymiska, shirkadaha kale Caymisku xaq ayey u leeyahiin inay racfaan uga qaataan Maxkamadda Sare ah. Maxkamada Sare iyadoo awoodaheeda Dastuurka ku xusan adeegsanaysa, sida Qoddobka 97,98,99 & 11aad ayey soo saartay qaraar ay ku laashay go’aanka maamul ee Hay’adda Caymiska Qaranku ugu xidhay shirkad gaar ah adeegii caymiska.

Xildhibaan Mustafe ayaa sheegay in qaraaradda Maxkamadda Sare soo saarto sharci yihiin, maadama ay hay’ad Dastuuri ah tahay, sidaa darteed ay sharci daro tahay in go’aan hay’ad Dastuuri ah soo saarto mooshin laga keeno, waxaanu yidhi, “Maxkamadda Sare qaraarada ay soo saarto waa sharci, markaa Golaha Wakiiladdu mooshin kama keeni karo go’aan sharci ah,”

Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ayuu sheegay inaanay sharci ahayn hakinta adeegyada shirkadaha Caymisku bixiyaan, maadama Hay’adda Caymiska Qaranka xeerkeeda goleyaashu ansixiyeen, waxaanu yidhi,

“Mooshinka Wakiilada waxa lagu xusay xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka oo lagu aasaasay xeer lr. 92/2020 goleyaashu ansixiyeen, haddana waxay yidhaahdeen waa in la hakiyo adeegyada caymiska inta xeerarkooda laga soo saarayo, taasina meesha ma qabato, oo waa sharcidarro, sidaa awgeed ayaanu mooshinku xalaal u noqonayn.”

Waxuu kaloo deedafeeyey qodob Golaha Wakiiladu ku xuseen mooshinkii ay ansixiyeen oo sheegayey inay soo qiimeeyaan kartida Gudoomiyaha inuu u qalmo shaqada oo xaq aanay u lahayn, waayo awoodooda Golaha Wakiiladu waa inuu hay’addaha Dawladda kula xisaabtamo inay Dastuurka ku dhaqmeen iyo inkale? Qiimaynta, Madaxweynaha JSL ayaa awood u leh inuu dadkuu xilalka u magacaabayo qiimeeyo inay xilalka gudan karaan, isla markaana sheegay in arrimahaasi baalmarsan yihiin awoodahii Dastuuriga ee Golaha Wakiiladdu lahaa.

Xildhibaan Mustafe ayaa sheegay in qaraarada maamul ee Maxkamadda Sare soo saarto looga racfaan qaato Maxkamadda Sare, Go’aankii Maxkamada Sare soo saartay sharci buu ahaa, markaa Golle kale Xukuumadda ama Golaha Wakiiladdu qaraar Maxkamadda Sare mooshin kama keeni karo.

Xildhibaanka oo ka hadlayey marka Golaha Wakiiladdu ansixiyo mooshin aan sharciga waafaqsanayn, halka loo noqonayo ama waxa xalku noqonayo ayaa sheegay in mooshiinkaasi aanu dhaqan-gal noqonayn, maadama uu ka baxsan yahay awoodahii Dastuurku siiyey golaha Wakiiladda, waxaanu yidhi,

“Waxaan leeyahay Golaha Wakiiladda ka noqda mooshinka, maadama uu sharci daro yahay, oo Dastuurka aanu waafaqsanayn.