Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Maanta Dhaariyey Xildhibaankii 82-aad Ee Golaha Wakiiladda Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Maanta Dhaariyey Xildhibaankii 82-aad Ee Golaha Wakiiladda Somaliland.
======================================

Hargeysa (SM) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL, ayaa dhaariyay Xildhibaankii 82-aad Ee Golaha Wakiiladda Somaliland Oo ay dhaartu u hadhsanayd si Uu Uga mid Noqdo Aqalka Golaha Wakiillada Ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidda Lagu Sheegay Qoraalkan Oo Kasoo Baxay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, Isla-markaana uu Soo Gaadhay Nuqul Ka Mid Ah Xafiiska War-qabadka ee Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Ee Caasimadda Hargeysa, Ayaa Lagu caddeeyey dhaarta Xildhibaan Cabdikariim Aadan Cali Dubad. Waxaana Lagu Yidhi Qoraalka Siddan:- “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04/09/2021-ka, dhaariyay Cabdikariim Aadan Cali Dubad, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Wakiillada JSL.

Xubinta la dhaariyay ayaa dalka ka maqnaa 03/08/2021 oo la dhaariyay 81-ka xildhibaan ee kale ee golaha Wakiillada, 02/09/2021 ayuu guddoomiyaha golaha Wakiilladu, Maxkamadda Sare u soo diray codsi uu ku dalbanayo in la dhaariyo Cabdikariim Aadan Cali Dubad.

Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo dhaariyay”.

ALLAA MAHAD LEH

Source
Qumannews.net.