Hadayw afar sano ka Hor dadkii M Biixi Ucodeeyay fartooda Ee deen, isna Maanta wuxuu Eedayaa ficilada Guracan ee Uu Caadaystay.

Hadayw afar sano ka Hor dadkii M Biixi Ucodeeyay fartooda Ee deen, isna Maanta wuxuu Eedayaa ficilada Guracan ee Uu Caadaystay.

Waxaa hada laga joogaa ku dhowaad afar sano markii uu talada
Dalka la wareegay Muuse Biixi,
Mudadaa uu hayay xukunka dalka,
Waxaa ka muuqday kala qayb Sanaan badan, qaraaba kiil, maamul Xumo, sharcigii oo lagu tuntay, Horumar la’aan , kala sarayn, Tacadiyo, xadhkaha goosatay oo Lagu la Kacay Bulshada Somalinad,iyado loo Adeegsanayo Awooda iyo dhaqaalaha
Dawlada.

Waxaa hoos udhacay Rabitaankii iyo Jacaylkii bulshadu u Qabtay Somaliland, Waana Tan Maanta Keentay inay Xamar Tagaan bulshadii ugu badnayd Taariikhada Intii Somalinad Udub keeda la taagay
Waxa halkaas geeyayna ma ‘ahayn
Hiloow ay xamar u Qaadeen ee Waa Rajo la ‘aan ay kala
Kulmeen Somalinad tii ay kusoo tab Ceen kadib hanashadii kusriga ee Muuse Biixi.
Waxayna dareemeen in aanay Rajo
Kasoo muuqan hogaaminta ay Arkayeen mudadaa.

Markii uu kursiga fuulay waxaa uu Markiiba khudbadisii ugu horeysay Ku bilaabay kuwii ii codeeyay fartooda ayay eedi doonaan.
Xiligaa dadku may dhaadin balse Waxaa jiray qaar isweydiiyay waxa
Uu uga jeedo, hase yeshee mudo ka dib Ayay taasi iskeed isu Fasirtay,

Waxaana daaha ka qaaday
Qaabkii uu u dhaqmay iyo sidii uu
Ugu muujiyay in badan oo dadkaas
Kamid ahayd cadaawada, taas oo
Keentay in dad badan oo Kamid ahi
Dib u xisaab tamaan.
Halku dhigooduna wuxuu ahaa Tuducdii “ waxba yaanu xoolana isiin
Xaalkayna imarine xaashee nin libin Kaa xisdiyay xumuhii waa yaab “

Hada oo doorashadii madaxtooyada Ay ka hadhay mudo gaaban ayuu
Toosay, wuxuuna ku baraarugay Isagoo jabad cidla ah fadhiya, taasi
Waxay keentay inuu seefta la dhexqaado dawladisii, isagoo Markaas islahaa wax iska hagaaji
Mayse noqon ee waxay noqotay sida
Kale, waxaana uu ku sii fogaaday
Jidkii guuldarada ee uu awelba hayay.
“Nin ambay halkuu aaday waa ula Ekoonayde “

Mana aha meel hada uu ka noqon
Karo, waana bilawgii dhamaadka
Rajada soo noqosho mar labaad
Uu kursiga isku sii ruxo.
Haday xiligaa dadkii doortay Fartooda eedeen, alaylehe isna Maanta wuxuu eeday ficiladii Guracnaa, abaal la ‘aantii uu Mudadaas Sameeyay. Iyo maamul xumada uu Ku hagayay dalka.

“Dhashaaday sugtaa xaajadaad
Dhawrarataa abid ‘e “
Waana cimri u eeg inuu shan sanno
Ku soo dhamaanayo.
Waxaan leeyahay cawil khayr qaba.

Qalinkii

Iman Maxamed Ciise