Hargeysa: Daah-furka Xarunta Nafaqeynta Hooyada Uurka leh iyo Dadka la nool Xanuunnada Macaanka iyo Dhiig-karka

Hargeysa (SM)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa maanta lagu daah-furay Xarun Cusub oo ka shaqayn doonta Daryeelka Caafimaad Dadka, taas oo si gaar ah ugu adeegi doonta Hooyada Uurka leh, Carruurta nafaqo-darradu hayso iyo Dadka la nool Xannuunnada Macaanka, Dhiig-karka, Subagga iyo Miisaanka Xad-dhaafka ah.

Xaruntan oo Hal-ku-dhegga magaceedu yahay “Know Your Food” (Ogow Nooca Cuntada aad u Baahan yahay), waxa munaasibada xadhigga lagaga jaray oo ku qabsoontay xarunta ay ku taallo, waxa ka qayb-galay Maayar ku-xigeenka Caasimadda, xubno ka tirsan xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa, masuuliyiin ka socota Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Marti-sharaf kale.

Warkan oo Faahfaahsan ka Daawo Muuqaalka Hoose