Hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI ayaa Xarunta Dhexe ee Xisbiga ku si balaadhan ugu soo dhaweeyay Amb Maxamuud Aadan Jaamac Galaal oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

Hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI ayaa Xarunta Dhexe ee Xisbiga ku si balaadhan ugu soo dhaweeyay Amb Maxamuud Aadan Jaamac Galaal oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

Amb Galaal ayaa ku dhawaaqay ku biiritaanka Xisbiga WADDANI “Waxa aan Shacab weynaha JSL u sheegaya in aan ku biiray Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kana baxay xisbigii aad igu ogaydeen ee Kulmiye.”

Amb Galaal ayaa sharaxay sababaha uu uga baxay Kulmiye “Nin kaliya ayaa Xisbiga Kulmiye wax walba ka ah oo hoggaamiya ahna Madaxweynaha JSL. Ninkaasi arrimihiisu waa goldaloolo, gef iyo gole ka fuul. Waxa uu meelo badan ka metela Madaxweynihii Maraykanka ee Donald Trump, waa nin waxa uu doono iskaga hadla oo aan sidii Donald Trump Twitter-ka uun wax ku qorin, waxa kale oo ay Trump iska metelan in lagu yaqaanay nin aargoosta oo ciil qaba oo aan dadka cafiyin, markaa ninka noocaas ah baa hoggaaminaya (Kulmiye) waa ninkii dadkii doortay ee bacadka u taagnaa halkii uu uga mahadcelin lahaa ku yidhi ‘fartiina ayaad eedi doontaan,”

ayuu yidhi Amb Galaal