Maayarka Degmada Buuhoodle iyo Wefti ay hoggaaminayso oo gaadhay Deegaamo ka tirsan Gobolka

Buuhoodle (SM)- Wefti balaadhan oo ay hogaaminayso Maayirka degmada Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan oo maalmihii ugu dambeeyey socdaalo ku maraysay degmooyinka gobolka Buuhoodle ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey deegaanka Balli-Cad.

Weftigan oo ay Maayirka Degmada Buuhoodle ku wehelinayaan Xoghayaha Fulinta dawladda Hoose ee degmada Buuhoodle iyo xubno ka tirsan xildhibaanadda Golaha Deegaanka ee degmada Buuhoodle ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynaha deegaanka Balli-Cad.

Ugu horeyn waxa weftiga hadalo soo dhoweyn ah ku qaabilay xubno kamid ah cuqaasha ,odayaasha,Haweenka iyo Dhalinyaradda deegaanka Balli-Cad,waxaanay uga mahadnaqeen socdaalkan ay Maayirka degmada Buuhoodle ku tagtay deegaanka Balli-Cad.

Maayir Khadiija Axmed Aadan, Maayirka Degmada Buuhoodle oo iyaduna la hadashay dadweynaha Deegaanka Balli-Cad ayaa sheegtay in socdaalkeedu salka ku hayey sidii ay ugu kuur geli lahayd baahiyaha ka jira deegaamadda gobolka Buuhoodle ,waxaanay bulshadda Deegaanka Balli-Cad u balan qaaday in ay u dhisi doonaan ka golle deegaan ahaan xarun caafimaad oo ay degmadaasi yeelan doonto iyo rug ay ciidamada Boolisku yeelan doonaan.