Si xun wax usheeg Sixir waa ka daran yahay

Si xun wax usheeg Sixir waa ka daran yahay

Waxaa dhowaan khudbad jeediyay Xog hayaha guud ee Xisbiga wadani Mudane khadar Xuseen, taas oo uu Kaga hadalay qaabka ay dawlada Iyo Xisbigeeda Kulmiye beenta cad Bulshada Somalinad ugu sheegaan.
Wuxuu iftiimiyay in wufuuda inoo Timaada loo sameeyo darajooyin
Ama aanay lahayn iyadoo Lagu majara habaabinayo bulshada.
Wuxuuna sheegay inay ceeb weyn ku Tahay dawladnimada iyo sumcada Dalka, wuxuu ugu baaqay madaxda
Dawlada iyo kuwa Xisbigeeda ba Inay ka waantoodaab beentaa cad Ee ay caadaysteen.
Waxaa kale oo uu jawaab siiyay Wasiir ka tirsan Xukuumada oo
Hore Xisbiga wadani ugu eedeeyay
Inuu Xamar la haysto, waxaana uu
Sheegay in wasiirka laftiisu kow ka Yahay kuwa aan aamin sanayn Somalinad.

Uuna ku joogo “ili kula reer qadee “
Manasoo hadal qaadin reer iyo xataa
Deegaan toona, hadaba Horaa loo Yidhi”tog walba biyihiisa ka yimada”

Waxaa ku fasiray wixii iyaga
Calooshooda ku jiray ee ahaa Qabyaalada iyo qaybi oo xukunta
Xisbiga Kulmiye iyo dawladiisa,
Iyagoo ku beerlaxaw sanaya beelaha
Qaar gaar ahaan tan uu kasoo jeedo Koore, waana majara habaabin iyo
Iska horkeenkii ay awelba ku caan Baxeen, iyagoo ka dhigaya in Xisbiga Wadani Somalinad ka takooray Beeshaas. Taasoo ah ( oohintii Yaxaaska)

Waxaa hadaba isweydiin leh hadii Kulmiye sidaas ugu damqanayo
Beelaha laga takooro Somaliland
Muxuu weli Nuux Taani uyahay Taliyaha Ciidanka, iyadoo la ogahay
Wuxuu kula hadlay beelaha beriga.
Oo uu sicad ucaayay kuna sheegay
Calooshood ushaqays tayaal, Weliba Koore waa nin iska raaxay Sanaya Hargaisa’e kuwa Taani Caayay waxay ahayeen ragii xabada
Madaxa u dhigayay , ee Somalinad Difacayay,taasaa ku tusaysa
Munaafaqada Kulmiye uga jeedo Wad wadka arintan iyo sida aanu Marnaba dacad uga ahayn arimaha
Somaliland,

Marlabaad haduu Kulmiye u Damaqanayo beel laga takooray Somaliland muxuu qalinka Muuse Uga booday Beesha balaadhan ee
La ogyahay baaxada ay ku leedahay
Somaliland, waa beesha Warsan geli.
Waakaas uquudhi waayay inuu Meela kaga daro, iska daa wax uu Siiyee xataa waxay hayeen ayuu ka Qaaday, alaylahe taasaa takoor iyo
Fogayn ah,

Waxaan kusoo gunaanadayaa Qormadan , Kulmiye waa rafanayaa
Wuxuuna ku toosay isagoo cidla Taagan, wuxuu raadinayaa wadaadii
Mudo kordhinta, waase ka xaaraan Inaan maalin loogu darayn, hadii Dadkii afar sano ka hor doortay Fartooda Eedeen isna maanata wuxuu eeday
Ficilada xun xun ee uu caadaystay
Mudadii weliba uu xilka hayay Muuse Biixi, xaalkiisuna maanata waa

Qoladii maydku ka dhacay ee
Tidhi “ haduu sii go’ ay”

Qalinkii
Iman Maxamed Ciise