Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo Hadhi-sharafeed u sameeyey Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar

Hargeysa (SM)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa maanta magaalada Hargeysa hadhi-sharafeed ugu sameeyey Suldaanka Beel0weynta Arab Sheekh Isaxaaq Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo dhawaan la wareegay xilka saldannada kaddib markii uu geeriyooday Aabihii Allah ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Hadhi-sharafeedka oo ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxa ka qayb-galay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Salaadiinta Somaliland qaarkood, Madax-dhaqameed, wasiirro xukuumadda ka tirsan, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose