Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Todoba goor oo ay Muuse Biixi talo seegtay

Todoba goor oo ay Muuse Biixi talo seegtay

Tan iyo markii uu Madaxweyne Muuse doorashada ku guulaystay, wuxu sameeyay 7 qalad oo khatar weyn gelin doona doorasho dambe oo uu ku guuleysto:

1) Axmed Ismaaciil Samatar iyo aqoonyahankii kale ee la shaqeeyey wakhtigii kaambaynka: Waxa aynu ognahay sidii uu Axmed ula shaqeeyey Muuse Biixi iyo halkii uu Muuse kaga tagey. Odaygu si weynbuu Muuse iskaga daba riday, kadibna Muuse wuu uga baxay. Axmed kamuu falcelin arrinkaa waayo dhaawacyo hore oo ku yaalay awgeed ayey suurto gal ugu noqon weydey in uu muujiyo niyad-jabkii ku dhacay. Waxay ahayd in uu talada ka qaybgesho; waxay ahayd in uu Madaxweyne ku xigeenka u diyaariyo; waxay ahayd in siyaasada arrimaha dibada odayga ku wareejiyo una daba fadhiisto. Muuse taladaa wuu diiday. Axmed keligii maaha e waxa la ii xaqiijiyey in aqoonyahano tiro bada oo kale oo Muuse aad ula shaqeeyey uu albaabada ka xidhay.

2) Qufulkii Dhaqaalaha: Muuse talada wuxu qabtay tiiyoo jiif-oo-jaq lagu jiro oo ay hoboladu ku heesaan “nimcaa-fadhida”. Hudheeladu way camirnaayeen, dhaqaalaha dalka socda waad yaabaysay, inta dawladda ka ag dhowi way ladnayd inta kalena duulduulbaa soo gaadhayey. Wuxu yidhi looma baahna kharashkan badan ee baxaya ee dalka waan “handaraabayaa”. Dhaqaalihii baxayey waan yaraynayaa, kayd ayaan dalka u samaynayaa si aan mashaariic waaweyn u maalgelino. Mashruucii ugu weynaa ee uu maalgeliyey wuxu noqday mashruucii “shaqo-qaran”. Dhaqaalihii dalka dhex socdayna wuu joojiyey. Aduunkii la handaraabay halkeebuu ku dambeeyey? Su’aashani waa mid Muuse cod-bixiyeyaashu weydiin doonaan doorashada dambe.

3)Fartiina Eersada: Muuse biixi waa shaqsi aalaaba hadal adag oo kalmadiisa aan la gaban. Dhaqanka geeljiraha ee weliba ay dheertahay kalsoonida baaxadda weyn ee uu isku qabo waxay keentaa in aanu hadalkiisa u meel dayin. Waxa jirtay taariikh ahaan in hadalo sidan oo kale ah oo uu hore u yidhi aad looga fal-celiyey isla markaana caanbaxay. Soomalidu waxay tidhaahdaa “hadal xumi colaadna waxba kaagama taro, nabadna wuu kaa fogeeyaa”. Dadka Muuse ka soo horjeedaa aadbay kalmadan ugu duri doonaan doorashada dambe.

4) Eryidii Wasiirkii Macdanta: Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale wuxu ahaa nin waxqabadkiisu aad u badan yahay islamarkaana wasaarad magac ahayd macno weyn u sameeyey. Wuxu dawladii Siilaanyo usoo hooyey dhaqaale, dhaqdhaqaaq iyo sumcad aad u balaadhan. Markii uu eryey wasaaradii dhanayd waxay ku noqotay godkii awalba ay ku jirtay ee uu markii horeba Xuseen ka soo saaray. Xuseen wuxu rabay in uu Muuse la sii shaqeeyo, hayeeshee Muuse wuu eryey wasiir dhaama ama ku soo dhawaan karana kumuu bedelin. Halkaa wuxu ku waayey sumcad, dhaqaale iyo xirfad ay dawladiisu aad ugu baahnayd.

5) Guddoomiyaha Kulmiye: Muuse dantu waxay ugu jirtay inuu wareejiyo guddoomiyaha xisbiga oo uu Saaxiibkii Maxamed Kaahin ku wareejiyo isla markii uu madaxweynaha noqdayba sidaana Maxamed Kaahin ku noqdo Guddoomiyaha Xisbiga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha. Arrintaasi waxay ka moosi lahayd daad imika ku fatahay, waxayna adkayn lahayd sunihii xisbiga.

6) Faysal Cali Waraabe: Guddoomiye Faysal waxay ahayd in uu Muuse gacanta ku hayo oonu sii deyn. Kharash badan umabuu baahnayn wax badana wuu u tari lahaa. Qodobkani sharaxaad badan uma baahna waxana maanta muuqata hawsha ay siideyntii Faysan soo kordhisay.

7) Wiiqidii Jeegaanta: Isbahaysigii jeegaantu wuxu ku salaysnaa mar aniga marna adiga qabiilaysan oo dimuqraadiyada caadi islamarkaana fududaynaysa dib-u-doorashadiisa. Jeegaantu sideedaba khatarbay ku ahayd qaranimada waayo waxa loo arkayey laba reer oo ku heshiiyey in ay talada iyaguun isku eekaysiiyaan. Muuse dadbadan ayaa arrintan ku raacay oo jeclaystay in uu wiiqo awoodii Jeegaanta. Hayeeshee su’aasha meesha taala ee Muuse wajahaysaa waxa weeyi muxuu ku badashay? Waxa kale oo hubaal ah in dad badani ka cadhoodeen taladan Muuse qaatay ee uu ku curyaamiyey awoodii Jeegaanta islamarkaana ay kaga codayn doonaan doorashada.

Xigasho: Abdilqadir Awbile