“Waxaa farxad weyn ii ah inaan farxadda qalinjabinta la qeybsado dhamaan ardayda sanadkaan ka

Xildhbaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa tidhi:-

“Waxaa farxad weyn ii ah inaan farxadda qalinjabinta la qeybsado dhamaan ardayda sanadkaan ka qalinjabisay jaamacadda Hargeysa (University of Hargeisa)iyo waalidiintooda kusoo tacabtay anigoo u rajeynaya mustaqbal wanaagsan.

Jaamacadda Hargeysa waxey jirsaday 21 sano inagoo furnay bishii Febraayo 2000, waxaan ugu duceynayaa in jaamacadda Hargeysa ay ahaato mid qarniyadda soo socdo ay si weyn uga qeybqaadato dhismaha iyo horumarka guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana shacabka Somaliland.

Ugu danbeyn, waa ii farxad iyo reyreyn inaan arko iyadoo ay sanad waliba ay sii kordheyso ardayda ka qalinjabineyso jaamacadda iyagoo qeyb ka noqonaayo horumarka bulshadda iyo wadanka”.