Wefti ka socda Garsoorka DDSI oo Kulamo la qaatay Maxkamadaha Somaliland

Hargeysa (SM)- Wefti Qareeno ah oo ka socda Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo Ururka Qareenada Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay Maxkmada Sare ee Somaliland, maxakamadaha racfaanka iyo gobolka Maroodijeex, Maxkamada Degmada Hargaysa iyo xafiiska xeer inability gobolka Maroodijeex oo dhamaantood ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka cadaaladeed ee labada dal, iyo sidoo kale inay iswaydaarsadaan aqoonta sharciga ee shaqaalaha ka hawlgala labada haayadood ee labada dal.
Gudoomiyaha MaxkAmada Sare ee gobolka Faafan C/fataax Maxamed Axmed iyo Gudoomiyaha Ururka Qareenada Madaxa Banaan Maxamuud Maxamed Ciise ayaa iyaguna ka warbixiyey ujeedada safarkoodan ay Somaliland ku joogaan sidoo kale na warbixino soo dhawayn ah kaga dhagaystay xafiisyada garsoorka Somaliland ee ay booqdeen sidoo kale na uga mahad celiyey ururka Qareenada Somaliland oo suurtogaliyey in qareenadani yimaadaan Somaliland si loo xoojiyo aqoonta iyo tayada adeega sharci ee labada dal.

Hayadaha Garsoorka ee ay la kulmeen waxaa ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka Maxkmada Sare ee Somaliland Maxamed Cumar Geele, Gudoomiyaha maxakamadaha racfaanka gobolka Maroodijeex Cali Suudi iyo Gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan, Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargaysa Yaxye Xuseen Yuusuf iyo Madaxa xafiiska xeer ilaalilinta gobolka Maroodijeex Mawliid Cabdi Muuse oo dhamaantood ku qaabilay xafiisyadooda ayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka cadaaladeed ee labada dal, iyo sidoo kale sidii looga wada shaqayn lahaa fududaynta adeega sharci ee labada dawladood ee Somaliland iyo Kililka shanaad.

Gebogabadii kulamadaasi ayaa waxaa iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyay gudoomiyaha ururka Qareenada madaxa banaan ee dawlada deegaanka soomaalida Ethiopia Maxamuud Maxamed Ciise, Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Xasan Cabdilaahi Cawaale iyo Gudoomiyha Gudida Ruqsadbixinta iyo Ansharmarinta Qareenada Somaliland Aamina Xasan Cismaan oo dhamaantood bogaadiyey sidii wanaagsanayd ee haayadaha garsoorku usoo dhaweeyeen qareenada labada dal ee ku booqday xafiisyadooda.