Guddoomiye Faysal oo taageeray Murashaxnimada Xirsi iyo Maxamed Kaahin, Saaxiibkii M Xaashi-na Rejo ka Qaba

Hargeysa (SM)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in saddexda siyaasiyiin ee Maxmaed Kaahin, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamuud Xaashi-ba xaq u leeyihiin inay ka mid noqdaan Hoggaannada Xisbiga dalka, balse waxa uu si gaar ah uu taageero ugu muujiyey Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamed Kaahin oo uu sheegay inay yihiin Rag tacab gashaday xisbiyada ay hoggaankooda u tartami doonaan.

Guddoomiye Faysal oo goobo kala duwan hadallo ka jeediyey, waxa uu Maxamuud Xaashi ka tacsiyeeyay go’aanka Xisbiga Kulmiye kaga saaray Xisbiga oo uu ku tilmaamay tallaabo aan habboonayn oo aanu siyaasi Maxamuud XAashi u Qalmin.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Eng Faysal Cali Waraabe.