Ia xaashi ciyaalkayagii Ayuu khurafaad la hor fadhiya.

Ia xaashi ciyaalkayagii Ayuu khurafaad la hor fadhiya.

Waxa qorey Alikubad Politician

” Ninka Hore waxuu galay SNM-tii, isagoo jooga Dhoqoshey bay odayaashii degaanku u magacaabeen gudoomiyaha degmada Dhoqoshey, markii la soo galay dalkana isla reerkaas baa u magaacabay Maayarka Burco. Hadana, waxa lagala hawl galay inuu golaha wakiilada Somaliland ka mid noqdo waanu noqday, muddo dheer kadib buu qurbaha ka soo noqday oo yimi wax yar ka hor doorashadii Madaxweynaha 2010. Markii uu Siilaanyo noqday madaxweynahana waxuu Siilaanyo ka dhigay wasiir, wasiirnimadaas oo todobadii sanadood ee Siilaanyo madaxweynaha ahaaba uu joogey. Waxa hadaba yaab dad badan ku noqotay, inuu xaafadii sidaas u soo gacan qabatay uu ku leeyahay, hadaanu nahay reer Jaamac-Waal, laamiga Caynabo mara waxii hawd ka xigga baanu ku daalnay sidaanu u sidney, markaas waxii laamiga bari ka xigga bay gaadhey waqtigoodii ay talin lahaayeen. Ciyaalkayagii buu khuraafad la dhex joogaa, hadda ninkaasi markuu Siilaanyo wasiirka u ahaa waxuu odhan jirey xukuumada iyo reerka kala saara, waxuu odhan jirey aniga Odayga ayaa i soo cugtay oo xaafadna ma metelo. Maantana waxuu isla keen soo hor mutaxay xaafad reerka ka mid ah baan waxii ka maqnaa usoo dhicinayaa. Hadda Musuq maasaqii iyo maamul xumadiisii kale maanta ma taataabanayno. ”

Waxa Qoray Siyaasi Alikubad