Somaliland oo looga Digay Duullaan hor leh oo Soomaaliya la damacsan tahay Ammaanka Gobolka Sool

Hargeysa (SM)- Xukuumadda Somaliland iyo Shacabka gobolka Sool ayaa loogu baaqay inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan xaaladda ammaanka degmada Laascaanood oo la sheegay inay dhici karaan dilal qorsheysan oo intii hore ka badan, kuwaas oo lala xidhiidhiyey inay qorsheysanayaan kooxo cadow ku ah Somaliland oo dowladda Soomaaliya u horeyso.

Xeel-dheere Ismaaciil Cabdilaahi oo ku nool magaalada Hargeysa, ayaa ka digay in dowladda Soomaaliya sii kordhiso dilalka qorsheysan ee Laascaanood oo lagu eedeeyey inay ku lug-leedahay si ay ugu qiil samayso dhawaaqa hore uga soo yeedhay ee ay kaga soo horjeedday Mastaafurinta Dadka Ajaanibka ah ee laga saaray magaalada Laascaanood.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Ismaaciil Cabdilaahi