Waxay ku guuleysatey, kursi parliment ka Bulgium laakiin waa laga hor istaagey, in ay dhaarato, ilaa ay xijaabka dhigto.

Mahinur Ozdemir. Waxa ay tahey gabadh u dhalatey Beljum, asalkeedu yahey Turkey.

Luqado badan ku hadasha, waxay ku guuleysatey, kursi parliment ka Bulgium laakiin waa laga hor istaagey, in ay dhaarato, ilaa ay xijaabka dhigto.

Way diidey, iyadoo ku andacootey, in la doortey iyado xijaaban, iyadoo xijaaban na xisbigeedu soo sharaxey.

Aakhirkii waxa lakala dooransiiyey, in xijaabkeeda barakeysato, iyo in Parliment ka tagto.
Waxey door bidey, in xijaabka dugsato!

Waxa sheekadi gaadhey Madaxweyne Ordugan. Isla markiiba waxa uu u magacaabey, safiirka Turkey 🇹🇷 ee u jooga Belguim.

Waxa soo galey arinkii Boqorka Belgium isagoo ka codsadey gabadhaasi in parliment kii kuso laabato.

Wey diidey waxaaney doorbidey safiirnimadda Turkey.

Halkaas oo boqorkii ku tiraabey, qof naga dhalatey waxna aanu barney, tacab naga galey. Waa nasiib darro in aanu qasaarno