Wiil Reer Muqdisho ah oo Tahriib ku galay Talyaaniga oo Doorasho ku Guuleystay !!

dhalinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya laguna magacaabo Cabdullaahi Axmed Macallim, ayaa ku guuleestay doorashada golaha deegaanka oo ka dhacday magaalada Torino ee dalka Talyaaniga.

Wiilkan Soomaaliga ah ee tahriibka ku galay dalka Talyaaniga ayaa habeenkii Isniinta noqday qofki ugu horreeyay oo tahriibe ah oo ka mid noqdo xildhibaannada Golayaasha Deegaanka ee dalka Talyaaniga.

Cabdullaahi Axmed Macallim , oo ka sharaxnaa xisbiga Dimuquraadiga ee dalka Talyaaniga ayaa ku guuleestay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino ee Waqooyiga dalka Talyaaniga.

Wiilkan Soomaaliga ee doorashada ku guuleestay ayaa ku dhashay Muqdisho sanadkii 1988, waxaana sanadkii 2008-dii tahriib ku tagay jaziirada Lampedusa, waxa uuna sanadkii 2016  qaatay dhalashada Talyaaniga.

Soomaalida kunool dalka Talyaaniga ayaan inta badan ku mashquulin in ay galaan siyaasada dalkaasi, waxaana wiiljan Soomaaliga ah taariikh cusub u dhigay dadka Muhaajiriinta ah ee kunool Talyaaniga .