“Baadhis ayaa socoto, ciddii lagu helo Sharcigaa lagu abaal-marinayaa” – Xisbiga Kulmiye oo Jariimad Qaran ku eedeeyey Xirsi Cali iyo Maxamuud Xaashi

Hargeysa (SM)- Xisbiga mucaafadka ah ee Kulmiye, ayaa jariimad Qaran ku eedeeyey Xirsi Cali Xaasji Xasan iyo Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaga kala dambeeyey xilka wasiirkii madaxtooyada ee xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni oo ka hadlayey waraaqo lagala baxay keydka documentiyada madaxtooyada Somaliland, kuwaas oo lagu baahiyey baraha bulshada, ayaa labadaas masuul ku eedeyey inay iyagu kala baxeen keydka madaxtooyada, taas oo uu ku tilmaamay qiyaano lagula kacay Qaranka.

Muuqaalka Hoose ka daawo hadalka afhayeen Buuni oo maanta ka hadlay arrintan.