Madaxda Qaranka oo Isaga Marag-kacay Kaalintii uu hirgelinta Nabadgelyada Somaliland ku lahaa Marxuum Cumar Yare

Hargeysa (SM)- Madaxeynaha Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Siyaasiyiin kala duwan, ayaa ka hadlay doorkii uu hirgelinta nabadgelyada Somaliland ku lahaa Allah ha u naxariistee Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar-Yare) oo maanta aas Qaran loogu sameeyey Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Cabdirisaaq Sheekh Xuseen (Albaani), Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Gaafaadhi, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde iyo Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka hadlay shaqsiyaddii iyo doorkii uu ka soo qaatay dhismihii dalka Allah ha u naxariistee Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar-Yare) oo xilal wasiir ka soo qabtay xukuumaddii madaxweyne Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Muuqaalka Hoose ka daawo weedhaha ay masuuliyiintani ka yidhaahdeen shaqsiyadii iyo Doorkii Wax-qabad ee Marxuumka