Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Muxuu yahay Heshiiska aan Somaliland weli ka dhicin ee dhexmaray Shirkadaha Boodhari Mills iyo Indho-birta?

Hargeysa (SM)- Shirkadaha Boodhari Mills iyo Indho-birta ayaa maanta magaalada Hargeysa ku kala saxeexday heshiis ku saabsan Suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo Iskaashi dhinaca adeegga Korontada ah oo suurta-galinaya  hirgelinta mashruucii ugu ballaadhnaa ee Tamarta Korontada oo isku xidhaya magaalooyinka Hargeysa iyo Abaarso.

Heshiiska Iskaashiga Tamarta iyo suuq-geynta oo Shirkadda Indho-birta ay masaafo 18km ah oo isku xidhaya magaalada Hargeysa iyo deegaanka Abaarso kaga hirgelinayso Adeegga Korontada.