Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Qarax aad u xoogan ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada aada Dhinaca Isbitaalka Madiina iyo xerada Milatariga ee Villa Baydhabo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay wateen ay ciidamada AMISOM oo marayay goobta lagu qarxiyay, waxaana kolonyada AMISOM lagu dhuftay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

 

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan goordhaw ka dhacay agagaarka Isgooska Banaadir, waxaana goobta qaraxu ka dhacay la sheegay in dad badan ay joogeen xiliga qaraxa dhacayay.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale goobtaasi gaaray oo dhaawacyada daad gureenaya gaadiidka gurmadka deg dega ah ee loo yaqaan ampalaasta.

Aaga qaraxa ka dhacay ayaa horey waxaa uga dhacay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday kana bad baaday taliyaha ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir Jen Farxaan Qaroole.