Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqisho

Qarax aad u xoogan ayaa goor dhow abaare 8:10 fiidnimo ka dhacay magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Qaraxan oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah caasimada ayey wararka hordhaca ah ee na soo gaaraya sheegayaan in lala beegsaday Maqaahi ku taalla wadada isku xirta taalada daljirka dahsoon iyo Ex-hotel Jubba dhinaca degmada Boondheere.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala beegsaday maqaahidaas.

Waxaa jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxan, waxaana xiran wadooyinka gala goobtaas oo ay isku gedaameen ciidamada amaanka.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambalaasta ayaa halkaas ka daabulaya dadka waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas oo illaa hadda aan tirakoob sax ah laga heynin.