Xukuumadda Somaliland oo Digniintii u dambaysay u dirtay Buuhoodle

Hargeysa (SM)- Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hadashay xaaladda magaalada Buuhoodle oo ay ku tilmaantay deegaan gabbood u noqday kooxaha nabad-diidka ah, iyadoo dhawaan halkaas ay gaadheen malleeshiyaad-beeleed sheegtay inay ka goosteen Ciidanka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo maanta war-fidiyeennada kula hadlay Hargeysa, ayaa kooxahaas oo uu ku tilmaamay inay u dhasheen deegaamo kale ugu baaqay inay si dhakhsaha badan uga baxaan magaalada Buuhoodle ka hor inta aan tallaabo laga qaadin.

Hadalka Wasiirka kaga bogo Muuqaalka Hoose