Book uu Qoray Farmaajo Oo Lagu Xusay In Qabiilka Isaaqu Ahaa Mid La shaqaysan Jiray Gumaystihii Ingiriiska.

Book uu Qoray Farmaajo Oo Lagu Xusay In Qabiilka Isaaqu Ahaa Mid La shaqaysan Jiray Gumaystihii Ingiriiska.

Maxamad C/laahi Maxamad (Farmaajo) oo ah Madaxweynaha Somalia ayaa 2009-kii qoray Book lagu aflagaadeeyey dhamaan madaxdii soo martay dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah qabaa’ilka Soomaalida, Qoraalka Buuga ku xusan ayaa runtii ah mid Anshaxa wanaagsan ka fog oo ku salaysan Isir nacayb iyo xaglin ku jahaysan kaligii taliyihii Siyaad Bare.
Madaxdii Soomaaliya Soo martay, sida Aden Cabdulle Osmaan, C/rashiid Cali Sharmarke iyo Cabdillaahi Yuusuf ayuu mid kasta ka qoray wax yaalo deelqaaf ku ah shakhsiyaadkooda iyo Madaxtinimadooda, Sidaas oo kale qaar ka mid ah Qowmiyadaha Soomaalida oo ay ka mid yihiin Hawiye, Isaaq iyo qabiilka Majeerteenka ayuu ka qoray iyagana wax yaalo been abuur ah iyo aflagaadooyin lafo-jab ah.
Madaxweyne Aden Cabdulle Cismaan iyo C/Rashiid Cali Sharmarke ayuu ku tilmaamay Kuwa Gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaanigu wateen oo madax ka dhigeen, sababtana wuxuu ku macneeyaya xidhiidh labadooda qabiil Mudulood iyo Majeerteen ay la lahaayeen Gumaystaha Talyaaniga oo uu sheegay in ay gacan ku siiyeen qabsashadiisii Soomaaliya, Halka Isaaq-na ay gacan siiyeen Ingiriiska, sidaasi darteed ayuu sheegay in loogu abaal guday in saddexdaas beelood ay hormuud u noqdaan Soomaalida oo ay horsocdaan, wuxuuna intaas raaciyay inay weligood ahaayeen talo wadaag.
Mr. Farmaajo waxa uu ku sheegay Buugiisa in Mudulood, Isaaq iyo Majeerteen siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo cilmi ahaan ay ka dhiseen Gumnaystihii Ingiriiska iyoTalyaaniga, isaga oo farta ku fiiqay in beelahaas oo dhan waxbarasho iyo deegaan loogu qaadi jiray London iyo Talyaaniga, sidaasna ay ku ahaayeen kuwa dadka ka madax-taagan oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka dhisan markii loo eego beelaha kale ee Soomaalida, taasina waxa ay ahayd Abaal-gudkii wada shaqayneed ee ay layeesheen Gumaysiga.
Waxa uu ku xusay Buugiisa in Siyaasadda Soomaaliya aanay ku dhisnayn awood wadaag iyo talo qaybsi, laakiin taas bedelkeeda ay ku salaysnayd qorshe gumaystuhu uga tegay beelahaas oo ahaa “Qoladii hogaanka haysa ayaa wax kasta iska leh”, isaga oo carabka ku dhugtay in arrintaas ay ka gilgisheen Mileterigii dalka afgambiyay ee uu hogaaminayay Madaxweyne Siyaad Barre.

Waxa uu ku shaaciyey Buugiisa Mr. Farmaajo in Beelihii Gumaystuhu ka saraysiiyey kuwa kale ay isla markiiba qoonsadeen oo ka biyo diideen kacaankii siyaad Bare hogaaminaayey, sababta oo ah waxay waayeen wixii ay haysan jireen, sidaas darteed waxay kaliftay in Siyaad Barre la dagaalamay oo Xasuuq Ba’an u gaystay Qabiilka Hawiyaha, Isaaq iyo Majeerteen , sababta wuxuu ku sheegay in Majeerteenku Daaroodka hor boodayeen, Muduloodkuna Hawiyaha, Isaaq-na kaligood socdeen, laakiin ay ka midaysnaayeen la shaqayntii Gumaysiga iyo dib u dhicida beelaha kale ee Somalida.
Qoraaga Buugu waxa uu si xishood la’aan u yidhi….Siyaad Bare beelihii uu la dagaalamay waxay ahaayeen kuwii gumaysigu hogaanka ku ilaalinayey, mid ka mid ah sababaha ugu wayn ee dagaalka ka dhex dhaliyey iyaga iyo dowladdii Siyaad Barre ayuu ku sheegay inay ahayd, iyada oo labadii dowladood ee Aden Cadde iyo Sharmarke, Shaqooyinka ugu badan iyo xilalka dowladda ay madaxda ka ahaayeen dadkii gumaysigu wax baray ee ka mid ahaa beelahaas Isaaq, Hawiye iyo Majeerteen, sababo la xidhiidha isku xidhnaansha Gumaysiga iyo Beelahaa.

Waxa uu ku qoray Mr. Farmaajo Buugiisa in Siyaad Barre, dagaalkii uu lagalay Qabaa’ilka Hawiyaha, Isaaq iyo Beesha Majeerteen uu keenay in uu cadow badan ku yeesho gudaha Soomaaliya, sidaas darteed-na, wuxuu ku fekeray in aano sii kordhin mucaaradkiisu oo aanu ku faafin beelo kale, markaas ayuu dalka Soomaaliya Geliyey buu yidhi dagaalkii Itoobiya oo ahaa mid aan loo baahnayn si uu ugu mideeyo dadka aan beelahaas ahayn.

Waxaa kale oo uu sheegay in Dagaalkaas dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya uu noqday mid lagu jebiyay Ciidankii Somalia, Saraakiishii ciidanka ugu fiicnaana dhabarka ka toogtay laga toogtay, halka koox kale oo u badnaa Majeerteen iyo Isaaq-na ay u galeen dalkii lala dagaalamayay ee Itoobiya, waxaana hormuud u ahaa ayuu yidhi C/llaahi Yussuf Axmed oo ka soo jeeda Majeerteen, isla markaana diidanaa xukunka aan majeerteenku hormuudka ka ahayn.

Shirkii Soomalida loogu qabtay Kenya 2004-tii, ayuu qoraalkiisa ku sheegay inay gadhwadeen ka ahaayeen, Itoobiya iyo Kenya, waxayna saxiibbo badan ka samaysteen ayuu yidhi qabaa’ilkii Gumaysiga la shaqayn jiray iyo beelo kale, iyaga oo dano badan oo siyaasadeedna ka lahaayeen dalalkaasi wadanka Soomaaliya, sidaas darteed aad ayey ugu dhex jireen oo u garanayeen xisaabta qabaa’ilka ka dhexeysa ayuu ku qoray buugiisa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadkii halkaas isugu tegay oo ay hormuud u ahaayeen Hogaamiye kooxeedyo u badan Hawiye iyo Daarood, gaarahan Majeerteen loo sahlay inay iyagu sameeyaan Baarlaman ku dhisan 4.5 kaas oo awoodda siinayay qabiiladaas, waxayna isla markiiba hogaankaas u dhiibeen Cabdulaahi Yuusuf oo isaguna magacaabay Cali Geedi, waxaana xisaabta loo celiyey ayuu yidhi halkeedii hore ee markii gumaysigii Talyaaniga iyo Ingiriiska joogeen oo ay Soomaalida hor socdeen Majeerteen iyo Mudulood, wuxuuna Cabdallaahi Yuusuf dowladdii la tegay buu yidhi Jowhar oo ah Tuulo yar oo uu ku badan yahay qabiilka Cali Geedi.

Buugaasi waxa uu ka kooobanyahay 4 qaybood oo ka hadlaaya wax yaabo aad u tiro badan, wuxuuna ugu magac daray, Hammigii Maraykanku ka lahaa Soomaaliya laga soo bilaabo dagaalkii qaboobaa ilaa iyo kii argagixiso la-dirirka.

By Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com