Boorama: Salaadiin Fariin Lamafilaana u diray Abiy Axmed

Hargeysa (SM)- Qaar ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka ee gobolka Awdal, ayaa sheegay inay taageersan yihiin hawl-galka Ciidanka ee Raysal-wasaaraha Itoobiya kula dagaalamayo Jabhadda TPLF, waxaanay rejo ka muujiyeen inuu ku guulaysan doono dagaalka.

Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal, Suldaan Xasan Baade iyo Suldaan Abshir Maxamed oo ka mid ah madax-dhaqameedka Beelaha Gada-duursi oo dega gobollada Galbeedka Somaliland ilaa Qaybo ka mid ah gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa shir-jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Boorama waxa ay sheegeen in xaaladda Itoobiya saamayn ku leedahay mandaqadda sidaa awgeed ay taageersan yihiin midnimada Ethiopia.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadallada Salaadiinta